May 8, 2011 Hargeysa(Cadceed) – Kulan aad u balaadhan oo ay yeesheen maamulka Ururka Horumarinta jidadka ee awdal/salal ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ASARDA iyo jaaliyada kasoo jeeda Gobalada Awdal iyo Salal iyo Gabiilkay ee ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargaysa.
Kulankan oo ka dhacay xalay Hotel Safari Ayaa ahaa mid aad u qiimo badan, kulankaas oo lagaga wada hadlayay sidii dardar loo galin lahaa dhismaha jidka u dhexeeya dila iyo Borama jidkaasoo u eekaa xalay inuu dhamaanayo marka la eego balamaha ka yimid shacbka, iyo waliba dawlada oo qayb cusub ku darsan doonta sidoo kale waxaa xalay maamulka Assarda Gacantooda Soo galay lacag ku dhow ilaa $50,000 oo dollar.