DHAGEYSO-- Maxamed Cabdi Yuusuf - Gabre ayaa iga Reebay Liiska Xubnaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya-

2016-10-23 30

Madaxa sirdoonka Melleteriga dowladda Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ku mashquulsan sidii uu usoo xuli lahaa xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka.

Jeneraal Gabre ayaa ku guuleystay in liiska Xildhibaanada baarlamaanka soo socda uu ka reebo dhammaan siyaasiyiinta kasoo horjeeda gumeysiga Itoobiya ee Soomaaliya.

Max’med Cabdi Yuusuf oo ahaa R/wasaarihii xukuumadii Cabdi Qaasim Salaad ahaana xildhibaan katirsanaa DF-ka ayaa shaaciyay in Jeneraal Gabre isaga uu u diiday in uu kamid noqdo xubnaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka.

“Jeneraal Gabre ayaa iga reebay liiska xubnaha aqalka sare ee dowladda, isaga ayaa soo xululayay xubnaha oo ka reebaya dhammaan siyaasiyiinta diidan gumeysiga Itoobiya ee Soomaaliya”ayuu yiri Max’med Cabdi Yuusuf.

Dood kulul oo sanaddii lasoo dhaafay uu qabtay mid kamida Telefeshinada Soomaaliya ayuu Xildhibaan Max’med Cabdi YuusufKu Kashifay gumeysiga dhabta ah ee Soomaaliya ku jirto arrinkaas oo ka caraysiiyay madaxda dowladda Federaalka iyo saraakiisha Xabashida Itoobiya.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS